Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Danab oo howlgalo culus kawada Degmada Wanlaweyn iyo hareeraheeda

Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee loo yaqaan Danab ayaa howlgalo adag kawada Degmada Wanlaweyn iyo deegaano ku dhaw dhaw oo maalmihii lasoo dhaafay ka socdeen dagaalo u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed.

Sargaal katirsan ciidamada Danab ayaa noo sheegay in ciidamada maanta ku guuleesteen in ay xoog ku qaadaan isbaarooyin yaalay inta u dhaxeysa Afgooye iyo Wanlaweyn oo u yaalay ciidamo katirsan milatariga iyo maleeshiyaad hubeesan.

Waxa uu sheegay sargaalkan in sidoo kale kahor tageen weerar maleeshiyo beeleed kusoo qaadeen tuulooyin hoos taga degmada Wanlaweyn, waxa uuna tilmaamay in ay wadaan howlgalo amaanka lagu xaqiijinayo .

Sargaalkan katirsan Danab ayaa sheegay in ay fulinayaan amarka kasoo baxay Maxkamada ciidamada qalabka sida ee lagu baadi goobayo dadka hurinaya iyo kuwa ku lugta leh dagaal beeleedyada ka socda degmada Wanlaweyn.

Ciidamada Danab ayaa degmada Wanlaweyn iyo deegaanada ku dhaw dhaw loo geeyay in ay joojiyaan colaada u dhaxeysa labo maleeshiyo beeleed iyo in sidoo kale qaadaan isbaarooyinka yaala inta u dhaxeysa Afgooye iyo Wanlaweyn.

 

Related posts

Ammaanka Muqdisho oo si weyn loo adkeeyay iyo ciidanka oo heegan dheeraad ah la galiyay

Cabdi Cade

Caro xoogan oo ka dhalatay dad Muslimiin ah oo lagu sooray Hilib Doofaar

Cabdi Cade

Safiir ajnabi ah oo talo muhiim ah u soo jeediyey Madaxweyne Farmaajo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---