Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dhaqtar caan ah oo caawa lagu dilay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Waxaa caawa lagu dilay magaalada Muqdisho marxuum Dr. Xasan Xaayow oo ahaa Dhaqtar laga yaqaano qeybo ka mid ah Magaalada Gaar ahaan degmada Yaaqshiid sida ay sheegayaan warar goor dhow na soo gaaray.

Dhaqtarka ayaa lagu dilay halka loo yaqaano Suuqa Miijiska oo ku yaalla degmada Yaaqshiid ka dib markii rasaas lagu furay.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya cida ka dambeysay dilka dhaqtarka, kuwaasoo qaarkood ay sheegayaan iney fuliyeen rag ku lebisnaa dareyska ciidamada dowladda, halka warar kalena ay tilmaamayaan in kooxo kale oo hubeysan ay dilkaas fuliyeen, waxaana jira warar sheegaya in dilka dhaqtarka uu salka ku hayo aano qabiil.

Ciidamada amaanka ee dowlada Somalia ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, halkaasoo ay ka wadaan baaritaano kala duwan.

Marxuum Dr. Xasan Xaayow ayaa daaweyn jiray Caruurta iyo dadka uu ku dhaco Cudurka Shuban biyoodka, wuxuuna Xarun Caafimaad ku lahaa nawaaxiga Suuq bacaad ee degmada Yaaqshiid.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Itoobiya oo Codsi Farxad galinaya Dowlada Eritrea u dirtay Qaramada Midoobay

Cabdi Cade

Maxaa Keenay Safarka Deg Deg Ah Ee Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Ku Yimid Muqdisho?

Cabdi Cade

Maxaan ku soo arkay Magaalada Jowhar? (Qormadii wasiir Cusmaan Dubbe)

Caydiid Ali