Allbanaadir.com
NEWS

Mas’uuliyadda dalka haddaan Ifka leydinku weydiin, Aakhiro ayaa Eebbe idinku warsan!

Caalamka oo dhan wuxuu dagaal ba’an kula jiraa bushiga Coronavirus. Hayeeshee, Soomaaliya gobolo kamid ah waxaa xiligan ka socda dagaal midkaas ka duwan.

Beelo deris ah iyo kuwo walaalo ah ayaa birta iska aslaya. waxaase daaha gadaashiisa ka hurinaya rag mas’uuliyiin ah oo maamulada ku hoos jira.

Markii hore dirir, dil iyo durkis ayeyba joogtaye,  mooggan xaalka alamtara waa soo dhaafay!

Dad inta la laayay, meytkooda lagu dul diganayo iyo mid inta la gubay jirkiisa la jarjarayo, dakuna ay ku maadeysanayaan ayaa baraha bulshada lala wadaagay. Bal ba’aas yaa beer leh oo baahin kara?

Beelaha diriraya meel aan sidaa uga sii fogeyn waxaa saldhigo ku leh ciidamo hoos yimaada kuwa dowladda iyo kuwo maamulada federaalka.

Yeelkeede, bedelkii ay wax ka qaban lahaayeen, qaar ka mid ah dirirtii ayeyba dab kusii shideen. SIDEE? waxey Hub iyo horinba ku caawiyeen beelaha dagaalku ka dhaxeeyo.

Geesta kale, Madaxda dowladda wax ka qabashada dagaaladan soo noqnoqday—waxey kaga gaabsadeen cambaareyn aan cudud la socon.

Yaanan ka reebine, waxaa iyagana doorkoodi gabay culimada Soomaaliyeed; oo looga bartay inay dal iyo dibadba soo dhawaaqaan marka shaqsi sameeyo fal kasoo horjeeda diinta.

Deeganadaas dirirta ka socoto bilo ka hor waxaa ka talin jiray Alshabaab. Dagaal warkiisa daayee… labo is qoonsata xitaa laguma sheegin. Kolleey sababtanu waad ogtihiin; ogidee is moogeysii!

Si kooban, xukunka Al-Shabaab ayaa ah mid ciddii xadgudubta in degdeg xadkeeda lagu marsiinayo, iyadoo cidna aan loogu aabayeelin.

Cabsi laga qabo ciqaabta adag ayey cid kasta aayar cagaha dhulka ugu heysay.

Haddeer, dowladda ayaa deegaanadaas ka talisa. Beelaha dirirayana kabtooda kama yaqaanaan xukunnada dowladda, maamul goboleedna warkiisaba daa.

Bini-aadamka lagama waayo dad doqomo ah aan Diin, damiir iyo dareen laheyn. Hayeeshee, sida kaliya ee lagu maareyn karo dadkaas—waa in la helo xukun adag, caddaalad ah oo gacan bir ah ku qabta.

Tusaale, Dalalka galbeedka waxaa ku nool muslimiin fara badan oo si xor ah cibaadadooda iyo caadooyinkooda u guta. Dhanka kale, waxaa jira cunsiriyiin caro iyo ciil u haya muslimiinta, hayeeshee, iska daa inay far u dhaqaajiyaan, sharciga adag yaala dartii ayuu nin weliba caradiisa dib u liqaa.

Sharciga adag iyo garsoorka caddaalada leh waa waxa umadda ku kala nabad gali garto nabadna lagu helo.

Aan soo gunaanadee, madaxda dowladda waxaa la gudboon inaysan fududeysan dhacdooyinkan foosha xun. Waxaana waajib ku ah(siday adeegsadaanba) inay gacan adag ku qabtaan kuwa damiirlaaweyaasha ah.

Hayeeshee, haddii wax qabadku kusoo koobmo cambaareyn. Ogaada, haddaan mas’uuliyaddaas ifka la idinku weydiin aakhiro ayaa Eebbe idinku warsan doona.

W/Q Abdinasir Safaana

Email: safaanahaji@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Gabar arin Mucjiso ah ay heesato oo lagu arkay Gobolka Baay 

Cabdi Cade

Milatariga oo amar ku bixiyay in laga guuro dhulka ku dhaw Wasaarada Gaashaandhiga iyo …

Cabdi Cade

Maxaa looga hadlayaa shir Madaxeedka Jaamacada Carabta ee maanta ka furmaya Damaam? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---