Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxtooyada Puntland oo loo tababaray ciidamo kahor taga Qaraxyada (Sawirro)

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamada ilaalada Madaxtooyada  Puntland oo muddo 2 Bilood ah uu tababar u socday.

Ciidamada katirsan ilaalada Madaxtooyada Puntland ayaa la siiyay ku saabsan miino baarista, waxaana ciidankan la baray sida looga hortago qaraxyada miino iyo sidoo kale waxyaabaha kale ee qarxa.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa bogaadiyey Ciidamada loo tababaray Miino Baarista, wuxuuna sheegay in ay muhiimad gaar ah u leedahay Puntalnd in la helay Ciidamo u tababaran ka hortagga walxaha qarxa iyo falalka argagixiso.

Ugu danbeyn Madaxweyne ku-xigeen Axmed Karaash kula dardaarmay Ciidamada Madaxtooyada Puntland loo tababaray in ay noqdaan kuwo sida ay tahay u guta waajibaadka saaran .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Doorasho Hadal heyn badan dhalisay oo maanta ka dhacday magaalada Jowhar

Cabdi Cade

Xildhibaanada Golaha shacabka oo galay fasax labo todobaad ah (Sababta)

Caydiid Ali

Ciyaartoydii Xulka Kubada Cagta dalka Ghana oo la kala eryay & Sababta ka dambeysa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---