Allbanaadir.com
NEWS

C/ramaan C/shakuur oo ka hadlay Heshiiska Qoor Qoor iyo Xaaf baaqna u diray dowlada

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa soo dhaweeyay heshiiska iyo isfahamka horu dhaca ah ay gaareen Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Qoor Qoor iyo Madaxweynihii hore ee Galmudug Xaaf.

Waxa uu sidoo kale sheegay Cabdiraxmaan Cbadishakiir in uu xog ku helay in heer gabo gabo ah marayaan wadahadalo u socda Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo xubno kasoo horjeeday maamulkiisa.

”Waxaan bogaadinayaa daddaalka uu madaxweynaha Galmudug mudane Axmad Qoorqoor kula heshiiyey mucaardkiisa, Waxaan xog ku hayaa in heshiiska Madaxweyne Axmad Madoobe iyo mucaaradkiisa heer gebagebo ah marayo” ayuu yiri Mr Warsame.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ugu baaqay dowlada federaalka Soomaaliya in xabsiga kasii deyso Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur si loo gaaro heshiis dhax mara Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Mucaaradkiisa.

”Waxaan dawlada Federaalka ah ugu baaqayaa in ay xabsiga ka sii dayso Mukhtaar Robow si loo gaaro heshiis dhexmara madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo mucaaradkiisa ka dibna loo diyaar garoobo gogasha wadahadal ee Garowe fidsan.” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Baaqa siyaasigan ayaa kusoo aadaya xili Madaxweynaha Galmudug la heshiiyay mucaaradkiisa sidoo kale wadahadalo dalka Kenya uga socdaan Madaxweynaha Jubbaland iyo siyaasiyiin kasoo horjeeda dib u doorashadiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

RW Khayre oo booqday goob lagu xusuusto halgamayaasha waddanka Imaaraadka Carabta (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiir katirsan Xukuumadda Soomaaliya oo goordhaw loo doortay Xildhibaan

Cabdi Cade

Cali Guudlaawe oo si kulul uga hadlay dilka Nabadoon Cabdi Xuseen Colow

Caydiid Ali
Taboola Ads ---