Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dowlad bilawday in ay xabsiga dhigto dadka aan afka iyo sanka xiran !!

Dowladaha caalamka qaar badan oo kamid ah ayaa bilaabay dadaalo ay ku doonayaan in looga hortago in uu ku faafo cudurka Caronavirus, waxa ayna xayiraad kusoo rogeen dadka iyaga oo sidoo kale ku amraya in ay qaataan talooyinka caafimaad ee la siinayo.

Dalka Marocco ayaa kamid ah wadamada Caalamka uu saameynta ku yeeshay caabuqa Caronavirus, waxaana dowlada bilowday talaabooyin adag in ay kusoo rogto shacabka si looga hortago in carona ku faafo gudaha dalkaasi.

 

Dowlada ayaa ku amartay shacabka dalkaasi in ay xirtaan afka iyo sanka , waxa ayna dowlada bilowday in ay xabsiga dhigto dadka ka dhago adeega fulinta amarka dowlada ee ku aadan in afka iyo sanka lagu xirto maryaha loogu tala galay.

Qofkii lagu qabto gudaha Marocco isaga oon afka iyo sanka u xirneyn waxaa lagu xukumayaa 3-bilood oo xabsi ah ama waxa uu bixinayaa ganaax lacageed oo gaaraya 126-Dollar.

Dalka Marocco oo kamid ah wadamada Arfrika ayaa laga helay 1,120 kiis oo Caronavirus, waxaa sidoo kale dowlada xaqiijisay in gudaha dalkaasi cudurkan safmarka ah ugu geeriyoodeen dad gaaraya  80 qof.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka DF & shacab hubeysan oo degaano cusub kala Wareegay Al-shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali

Maxaa kala qabsaday Nebi Huud CS iyo Qoomkii awooda badnaa ee reer Caad?

Caydiid Ali

Dalal u badan Qaaradaha Afrika iyo Aasiya oo lagu daray liiska casaanka ee UK

Caydiid Ali
Taboola Ads ---