Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shalay si rasmi ah u dhagax dhigay dhismaha laamiga dhax mara degmada Dayniile oo mudo 30-sano ah bur bursanaa.
Dhismaha laamigan qandaraaskeeda waxaa ku guuleestay shirkad laga leeyahay magaalada Muqdisho , mana hubno in shirkadan qandaraaska ku qaadatay tartan la qabtay iyo in si hoose loo siiyay.
Laamigan dhismihiisa waxaa ku baxaya lacago badan oo dhinacyo kala duwan ka imaanaya, waxaana shacabka ku dhaqan Dayniile ka cabsi qabaan in laamiga la dhisayo lamid noqdo laamiyo horey Muqdisho looga dhisay oo bur buray.
Qaar kamid ah laamiyada magaalada Muqdisho ee dhiseen shirkadaha Soomaalida ayaa qaarkood si deg deg ah u bur bureen kadib markii magaalada roob ka da’ay, halka laamiyada qaarna hoos biyo ka galeen ayna noqdeen kuwa kala koreeya.
Shirkadaha Soomaalida ee dhisa laamiyada Muqdisho qaarkood ayaan la sheegay in aysab ilaalin sumacada iyo tayada waxqabadkooda balse taa badalkeeda kaliya ka raadiyaan laamiyada ay dhisayaan dhaqaale badan.
Oday kamid ah dadka degan Dayniile ayaa codsaday in la iska joojiyo dhismaha laamigan cusub ee la dhisayo hadii uu lamid noqonayo kuwa horey loo dhisay oo kale oo mudo kooban ku bur buray sida laamiga KPP iyo kuwa kale oo badan.
Waxa uuna ugu baaqay Odaygan maamulka degmada Dayniile dadka kale ee gacanta ka geesanaya dhismaga laamiga cusub ee degmada Dayniile in si joogto ah ula xisaabtamaan shirkada laamiga dhiseysa si laami tayo leh loo dhiso.
Laamiyada Muqdisho ka dhiseen dowlada Turkiga ayaa ah kuwa aad u tayo badan oon wax isbadal ah ku imaan sanadihii ay dhisnaayeen, hasa ahaatee inta badan laamiyada Muqdisho ay dhiseen shirkado gaar loo leeyahay ayaa noqday kuwa deg deg u bur baray.
W/Q Xasan Cabdulle Noolow
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com