Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

COVID-19: Ra’isul Wasaaraha Britain oo galay xaalad deg deg ah oo Caafimaad

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska ayaa galay xaalad degdega oo caafimaad, iyadoo la sheegay inay xaaladiisa ka sii dartay, xilli lala tacaalayey cudurka Covid-19 oo haleelay 10 maalmood ka hor.

Sida uu shaaciyey Xaiska Ra’iisul wasaaraha UK Boris Johnson ayaa goor dhow la geliyay qeybta xaaladda deg degga ah ee ICU (intensive care unit) ee Isbitaalka St Thomas.

Waxaa la sheegay inuu ogaalkiisu joogay, isagoo ka dalbaday xoghayaha arrimaha dibadda Dominic Rab inuu sii wado shaqadiisa.

“Xaaladda caafimaad ee Ra’iisul wasaaraha ayaa kasii dartay, waxaana talada dhaqtarka ay noqotay in loo gudbiyo qolka xaaladda degdegga ah ee isbitaalka..” ayaa lagu yiri qoraalka afhayeenka isbitaalka.

Boris Johnson ayaa xalay la dhigay isbitaalka 10 maalmood kadib ay xaaladiisa kasoo reyn weyday, waxaana qeybta hadda loo gudbiyey ee xaalada deg deg ah la dhigaa dadka uu cudurkan sida xun naqaska ugu dhejiyey si loo siiyo ogsijiin uu ku neefsado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com   

Related posts

Xaaf oo la sheegay in uu wado abaabul dagaal uu ku weerarayo magaalada Cadaado

Cabdi Cade

Daawo: Qaraxyadii gilgilay Magaalada Beirut iyo Warar kale oo xiiso badan

Caydiid Ali

Madaxwene Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta oo goordhaw heshiis gaaray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---