Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Fahad Yaasiin oo Magacaabay taliyaha cusub ee Nabad sugida Gobolka Benaadir

Agaasimaha Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa Taliye cusub u magacaabay Nabadsugida Gobolka Banaadir.

Fahad Yaasiin ayaa wareegto kasoo baxday Xafiiskiisa waxaa xilka Taliyaha cusub ee Nabadsugida Gobolka Banaadir u Magacaabay Yaasiin Cabdullaahi Farey.

Taliyaha la magacaabay ayaa bedelaya Taliyihii KMG ahaa ee Nabad sugida gobolka Benaadir Ciise Maxamed Ciise.

“Ciidanka Nabadsugida Gobolka Banaadir ayaa la farayaa inay la shaqeeyaan Taliyaha Cusub ee la Magacaabay si uu u guto waajibaadkiisa shaqo” ayaa lagu yiri wareegtada ka soo baxday agaasimaha NISA.

Yaasiin Cabdullaahi Farey oo ah Taliyaha cusub ee loo magacaabay Nabad sugida Gobolka Banaadir ayaa ahaa Madaxa Ilaalada gaarka ah ee  Agaasimaha Hay’adda NISA, isagoo horeyna ula soo shaqeeyay Taliyeyaal kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com   

Related posts

Daawo Sawirada: Siciid Deni oo Odayaasha gobolka Bari ku casuumay Deegaanka Jibigalle

Cabdi Cade

(Sawirro) RW Xamse oo indhihiisa ku soo arkay saameynta roobabka ee Jubbaland

Caydiid Ali

Ciidanka Xoogga dalka oo degaano cusub kala wareegay Al-Shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---