Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa habeen hore magaalada Muqdisho ku xiray Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Maxamuud Maxamed Buulle oo lagu eedeeyay fal musuq maasuq ah.
Wasiirka caafimaadka Xukuumada Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur oo warbaahinta kula hadashay magaalada Muqdisho ayaa xaqiijisay xariga loo geestay agaasimihii maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaarada caafimaadka.
Waxa ay sheegtay Wasiirka Caafimaadka in agaasime Buulle 4-tii bishan gurigiisa kala baxeen ciidamo booliis ah, waxa ayna sheegtay Fowsiya in aysan ogeyn wali waxa loo xiray iyo waxa lagu heesto agaasimaha wasaaradeeda katirsanaa.
Wasiir Fowsiya ayaa sheegtay in ay socdaan baaritaano lagu ogaanayo waxa loo heesto agaasimaha, waxa ayna balan qaaday in ay kala shaqeyn doonto cid kasta oo ay quseyso xariga loo geestay agaasimaha.
Xafiiska Hanti dhowrka qaranka oo baaritaan ku sameeyay xafiiska agaasimaha la xiray ayaa la sheegay in ay ku eedeeyeen musuq maasuq , waxa ayna booliiska ka dalbadeen in lasoo xiro si su’aalo loo weediiyo.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in la lunsaday lacago loogu tala galay in looga hortago caabuqa Caronavirus , waxaana lacagahan maqan bixiyay hay’addaha Qaramada Midoobay oo ugu tala gashay in looga hortago Caronavirus.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com