Allbanaadir.com
NEWS

Dhismaha Laamiga Dayniile oo goordhaw si rasmi ah loo dhagax dhigay (Daawo Sawirada)

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa goordhaw si rasmi ah u dhagax dhigay dhismaha laamiga cusub ee laga dhisayo Degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Laamigan dib u dhiska lagu sameenayo ayaa isku xira Isgooska Kuliyadda Jaalle Siyaad ilaa xarunta degmada Dayniile, laamigan ayaana ahaa mid aad u bur bursanaa 30-kii sano ee lasoo dhaafay.

Lacagta ku baxeysa Dhismaha laamigan waxaa iska kaashanaya maamulka gobolka Banaadir iyo shacabka degmada Dayniile, waxaana inta badan qarashka ku baxaya dhismaha laamiga bixinaya dadka degan iyo kuwa kasoo jeeda Dayniile.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish oo ka hadlay dhagax dhiga laamigan dib loo dhisayo ayaa sheegay in maamulkiisa muhiim u yahay dhismaha laamiga uu tilmaamay in uu ahaa mid baahi badan bulshadu u qabtay.

Shacabka ku dhaqan degmada Dayniile ayaa aad ugu farxay in 30-sano kadib dib loo dhiso halka laami ee dhax mara degmada Dayniile sidoo kale isku xira gobolka Banaadir iyo Shabeelaha Hoose.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Trump oo ciidankiisa kala baxaya inta badan dalalka Yurub

Caydiid Ali

Weerar Bambaano oo caawa lagu qaaday Guriga Gudoomiyaha degmada Dayniile

Cabdi Cade

Dil saakay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---