Dalka Mareykanka waxaa si xowli ah ugu sii faafaya cudurka Caronavirus, waxaana dalkaasi laga soo wariyay in xanuunka Caronavirus usii gudbay xawayaanka halka markii hore dadka kaliya ku ekaa.
Shabeel Dhidig ah oo da’diia lagu sheegay afar sano jir ayaa noqday xayawaankii ugu horeeyay ee la shaaciyay in uu ku dhacay cudurka Caronavirus, waxaana shabeelkan kunool yahay beerta xayawaanka lagu xanaaneeyo ee ee Bronx.
Saraakiisha maamusha beerta Bronx oo kutaala magaalada New Yourk ayaa sheegay in Shabeelkan lagu arkay calaamadaha Caronavirus, waxa ayna tilmaameen in baaritaan lagu sameeyay lagu xaqiijiyay in Caronavirus uu ku dhacay Shabeelka.
Shabeelkan oo lagu magacaabo Nadia iyo lix xayawaan oo kale ayaa lagu waramayaa in caabuwa Caronavirus ka qaadeen mid kamid ah ilaalada duur joogta ee ka howl galayya xerada xanaanada xayawaanka ee Bronx.
Nadia, walaasheed Azul, labo Shabeel oo kale oo ah nooca loo yaqaano Amur iyo saddex libaax ayaa dhammaantood lagu wadaa in imika ay soo kabsadaan, sida ay sheegeen sarakiisha beerta lagu xanaaneeyo duurjoogta.
Cudurka Caronavirus ee kusii faafaya caalamka ayaa markii hore la ogaa in kaliya ku dhaco dadka caadiga ah, waxaana hada soo baxday in cudurkan xitaa ku dhacayo xayawaanka ayna isku sii gudbinayaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com