Waaxda dowlada Norway u qaabilsan caafimaadka dadweynaha ayaa warbixinta maalinlaha ah ee tirakoobka dadka uu ku dhacay xanuunka Covid-19, ku sheegtay in ilaa hadda Norway xanuunka laga helay 5510 qof.
Waxaa 24-tii saac ee ugu danbeeyay tirada dadka xanuunka qaaday ku soo kordhay 302 qof.
Waaxda ayaa isbuucii ugu dambeeyey tirokoobkeeda ku soo dartay qodob ku saabsan meesha ama dalalka ay ku dhasheen, dadka la baaray ee xanuunka laga helay. Waxaana ay sheegtay in 1096 qof oo dadka xanuunka laga helay ka mid ah ay yihiin ajaaniib ama dad ku dhashay meel ka baxsan dalkaas.
Waxaa dadkaas ka mid ah 271 qof oo Soomaali ah, Waxaana xusid mudan in tirada Soomaalida xanuunka laga helay ay saddexdii maalin ee ugu dambeysay ay ku korortay 71 qof, maadaama ay arbacadii ahaayeen 201 qof sida waaxda caafimaadku sheegtay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com