Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Shiikh Shariif oo ashtako ka dhan ah DF u gudbiyey Midowga Yurub (Sawirro)

Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Shiikh Axmed oo haatana ah Guddoomiyaha Madasha xisbiyada Qaran ee mucaaradka ah ayaa la kulmay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Amb Nicolas Berlanga Martinez.

Shariif ayaa sida uu bartiisa ku soo qoray kala hadlay danjiraha Midowga qodobo dhowr ah oo ku saabsan xaalada wadanka, ilaalinta dastuurka, arrimaha doorashooyinka iyo kuwo kale, wuxuuna shariifku sheegay in danjire Berlanga ay la wadaageen sida ay DF ugu tumaneyso dastuurka sida uu yiri.

Hoos ka akhriso Qoraal kulankaas looga hadlay oo Shiikh Shariif uu soo dhigtay bartiisa facebook

Waxaan maanta xaruntiisa ku booqanay aniga iyo xubno kale oo Madasha Xisbiyada Qaran ka tirsan safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Amb Nicolas Berlanga Martinez oo aan ka wada hadalnay qodobadan:-

1- Ilaalinta dastuurka KMG & dhowrista xuquuqda muwaadinka, innaga oo la wadaagnay sida ay dowladda dhexe ugu tumanayso shuruucda dalka.

2- Aragtideenna ah in aan marna la aqbali karin dib u dhac ku yimaada doorashooyinka Qaranka 2020/21.

3- Qoondada haweenka ee golayaasha sharci dejinta ee ah 30%, innaga oo u xaqiijinnay in Madasha Xisbiyada Qaran ay saaxiibada caalamka ee Soomaaliya taageera la qabto in la ilaaliyo oo aan marnaba lagu xadgudbin.

4- Qaabka la isaga kaashan karo sida looga hortagi karo qatarta cudurka CoronaVirus oo caalamka guud ahaan dhibaato ku haya, looguna baraarujin lahaa Soomaalida qatarta cudurka.

Madasha xisbiyada Qaran waxay diyaar u tahay ka qayb galka doorasho xor iyo xalaal ah, waxayna kasoo horjeeddaa wax kasta oo lagu baajinayo qabsoomidda doorashooyinka 2020/21 iyada oon ka digeyno in madaxda dowladdu marmarsiiyo u raadiyaan dib u dhigista dooraahada.

Shariif Shiikh Axmed

HOOS KA DAAWO SAWIRADA KULANKA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirka Arimaha gudaha oo ka hadlay Xiisadii u dhaxeysay Dowlada iyo Ahlu Sunna (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Shir looga hadlayay Dhismaha Wado Muhiim ah oo ka dhacay Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

(Akhriso) Beesha caalamka oo ka jawaabtay go’aankii dowlada Somalia kaga hor timid hanaanka deeqaha Somaliland

Caydiid Ali
Taboola Ads ---