Allbanaadir.com
NEWS

Duqii hore ee Muqdisho oo dhiiro galin u sameeyay Ciyaartoyda Qaranka Somalia (Daawo Sawirro)

Duqii hore ee magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa maanta magaalada Bujambuura ee caasimada dalka Burundi waxa uu qado ugu sameeyay Ciyaartowda Qaranka Soomaaliya ee 17-sano jirada.

Taabit ayaa Ciyaartowda Qaranka Somaaliya ee galabta Ciyaarta Finalka ah la ciyaaraya dalka Tanzaaniya waxa uu u sameeyay dhiiro galin iyo balan qaadyo kala duwan , waxa uuna u sheegay in taariikhda baal dahab ah ka gali doonaan hadii ay koobkan ku guuleestaan.

Duqii hore ee Muqdisho ayaa kamid ah dadka galabta daawanaya ciyaarta Fiinalaha ee Soomaaliya iyo Tanzaaniya, waxa uuna halkaasi u tagay sidii uu u dhiiro galin lahaa ciyaartoyda Qaranka Soomaaliya.

Taabit ayaa ah nin taageero iyo sumcad badan ku dhax leh bulshada Soomaaliyeed, waxaana masuul markasta ka damqada dhibaatada Soomaaliyeed halka sidoo kale farxada la wadaago dadkiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
 

Related posts

Rooble oo si layaab leh uga hadlay Rabshadihii ka dhacay Muqdisho Eedeyna jeediyay

Cabdi Cade

Dabley hubeysan oo Iskuulka Magaalada Tegina ka qafaashay 136 caruur ah

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Rooble oo la kulmay Hay’addaha Amniga iyo Taliska AMISOM (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---