Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa xalay magaalada Muqdisho ku xiray Agaasimihii Waaxda Maaliyadda ee Wasaaradda Caafimaadka Xukuumada Soomaaliya Maxamuud Maxamed Buulle.
Warar lagu kalsoonaan karo oo helnay ayaa sheegaya in agaasimaha la xiray loo heesto lacago wasaaradu laheyd oo la musuq maasuqay, waxaana agaasimaha la xiray dacwad kusoo oogay xafiiska hanti dhowraha Qaranka.
Hantidhowrka Qaranka ayaa la sheegay in baaritaano ku sameeyeen xafiiska Agaasimihii Waaxda Maaliyadda ee Wasaaradda Caafimaadka, waxaana soo baxday in ay maqan yihiin lacago wasaaradu leedahay oon la ogeyn halka ay ku baxday.
Lacagaha la musuq maasuqay ee laheyd Wasaarada caafimaadka Soomaaliya ayaa loogu tala galay kahor taga caabuqa Caronavirus iyo cuduro kale, waxaana lacagtan ku deeqay hay’addaha Qaramada midoobay.
Masuuliyiin kale oo katirsan wasaarada caafimaadka Soomaaliya ayaa la sheegay in iyana ku socdaan baaritaano la xariira ku lug lahaanshaha lacagahan maqan oo wararka qaar sheegayaan in loo adeegsaday suuqa ganacsiga ee Forex.
Dowlada Soomaaliya oo dagaal kula jirta Musuq maasuqa baahsan ee Soomaaliya ka jira ayaa marar hore xirtay agaasimayaal iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowlada oo lagu helay in lacago lunsadeen.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com