Allbanaadir.com
NEWS

Dacwada Badda: Lixdan Maalmood Ka Hor Garta Maxkamada caalamiga ee ICJ

Maxkamadda ICJ ayaa June 8, 2020 u madlan inay dhegaysato doodda Soomaaliya iyo Kenya. Inkastoo difaaca Soomaaliya aysan ka soo muuqan doonin Muna Maxamed Sharmaan, Cali Saciid Fiqi iyo Axmed Cali Daahir, haddana waxaa dhici karta in CoronaVirus dartiis aan Kenya mar kale looga oggolaan in dib loo dhigto dhageysiga dacwada ay garyaqaanadeedii dib uga gurteen (September 9, 2019 iyo November 4, 2019).

Dhowr sanadood oo quursi iyo qaddarin darro ah kaddib, Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud wuxuu ka fursan waayay in August 28, 2014 uu Maxkamada ICJ horgeyo dacwad, si ay qaraar kama dembeys ah uga gaarto go’aan xuduud badeedka Soomaaliya iyo Kenya, loona soo afjaro sheegashada Keyna ee dhul-badeedka Soomaaliyeed, iyadoo la raacayo qaanuunka badaha caalamka.

Kenya waxay dooneysaa inay sohdin-badeedka ay la wadaagto Soomaaliya, dib u xariiqdo kana dhigto mid barbarro la ah xarriiqinta loolka (parallel to the earth latitude eeg maabka). Aagga ay Kenya sheeganayso wuxuu dhexgalaayaa dhul-badeedka ay Soomaaliya sheeganayso oo baaxaddiisa lagu qiyaasay 100,000 Sq Km, oo hodan ka ah khayraadka dabiiciga ah (kalluun iyo shidaal).

Soomaaliya waxay aaminsan tahay in xudduuddeeda badda ay si toos ah ula socoto midda dhulka, taasoo ah xariiqda toosan ee loo yaqaan (median line or equidistance line). Aragtida Soomaalia waxay waafaqsan tahay tan caalamka guud ahaan uu u badan yahay, Maxkamadduna horey dawlado badan ay ku kala saartay iyadoo raacaysa habkan.

Haddaba, aan isweydiinnee maxay Kenya buuq u kicisaa mar kasta oo ay soo dhawaato garta maxkamada ICJ?

Maxkamadda ICJ waxay awood u leedahay inay soo saarto: (1) Xukun aan lahayn rafcaan (qaraar kama dambeyn ah); amase (2) Fikrado la talin ah (talo bixin) oo ku saabsan su’aalaha sharciga la xiriiro. Balse labada dal waxey ku kala aragti duwan yihiin in garta loo daayo maxkamadda iyo in kale.

Inta badan falanqeeyaasha siyaasadda Bariga Afrika ayaa rumeysan in ololaha ba’an ee Madaxweyne Uhuru Kenyatta ugu jiro sidii uu dalkiisa ku heli lahaa kursiga Golaha Amniga ee QM, ujeeddada ka dambeysa ee dhab ahi ay tahay, sidii xubnaha golaha ugu taageeri lahayeen in qaraarka maxkamadda uu noqdo talo bixin, si muranka loogu xalliyo maxkamadda dibeddeeda.

Kenya waxay in muddo ah u ololayneysay in dunida ay ka dhaadhiciso in Soomaaliya lagu qasbo inay dib ula soo noqonto dacwada Maxkamadda ICJ, iyadoo ku doodaysa in go’aanka maxkamad uusan xallin doonin arrimaha siyaasadeed oo ku xiran kiiska.

Dhinaca kale, faraggelinta Jubbaland iyo colaadda soohdinta soo lablaabaneysa waa tab Kenya ay ku dooneyso in Soomaaliya ay waanwaan kula gasho iyadoo ka itaal roon, si ay uga hesho tanaasul badan. Kenya waxaa dhici karta inay ku dooddo in dib loogu dhigo garta caabuqa CoronaVirus awgiis, waayo waxay had iyo jeer qaaddaa tallaabooyin quus ah, kuwaas oo astaan u ah walaaca iyo walbahaarka ay ka qabto inay lumiso dacwada maxkamadda.

February 16, 2019 waxay si ula kac ah u abuurtay dhacdo diblomaasiyadeed, kaddib markii ay soo cayrisay​ Danjire ​Maxamuud Axmed Nuur Tarzan, si ay ugu qasabto Soomaaliya inay oggolaato xal wadahadal ah, xilli ay filaysay in diblomaasiyadda Muqdisho ay liidato.

Dhacdadaas wixii ka dambeyay, Muqdisho waxay ku dadaashay inay si taxaddar leh ula dhaqanto Nairobi. Walow istraateejiyadaas ay shaqeysay, haddana Xukuumadda waxay ka ilduufaysaa in dhibaatada dhex taal labada dal ay qayb ka yihiin xoogag shisheeye (foreign corporates), sidaas darteedna dalka looga baahan yahay inuu tixgeiylo xeelad kale oo colaad dambe looga hortagi karo, kol haddii garta aysan ka wada farxin doonin labada dhinac.

Dowladda Kenya waxay 2012 si sharci darro ah shati sahmin uga iibisay shirkadaha Eni Energy, Total iyo Anadarko Petroleum Corporation (Occidental Petroleum), islamarkaasna xuquuqda sahminta iyo uruurinta dakhliga ay ka qaadatay, kuwaas oo dhammaantood sugaya xallinta khilaafaadka raagay (The East African – August 25, 2012).

Xagaagii dhawaa, Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ka hadlayay majliska QM ayaa sarbeeb ku yiri, “Waxaanu aaminsanahay, marka maxkamadda soo saarto qaraar kama dambeyn ah soohdintana la qeexo, in xal waara laga gaari doono khilaafkan muddada dheer taagnaa” (UN News – 29/09/2019).

Dowladda Soomaaliya ma tifaftirin saadaashaas deeqsinnimo sida ay xal waaro ku dhalin doonto, sida la ogyahayna Kenya kuma qancin warkaas. Soomaaliya waxaa laga sugayay inay warka caddayso oo ay wax ka tiraahdo magdhowga dhaqaale ee shirkadahaas ku sheegan doonaan Kenya.

Waxaan shaki ku jirin, in Kenya aysan ballan ku fiicneyn, haddana Soomaaliya waxaa u furan inay si toos ah u abbaarto shirkadaha qoorta ku dheggan Kenya, si colaadda loo yareeyo. Shirkadahaas oo wadahadal lala furo maxkamadda ka hor, si loo gaadho heshiis dhaqangal ah, waxay culayska ka ridaysaa dalalka Fransiiska, Talyaaniga, Ingiriiska, Imaaraadka, Qadar, Kenya iyo Mareykanka oo intaba dano ka leh arrinkaas.

Soomaaliya waxay rumeysan tahay in garta sharciga ah ay tahay weli aalad waxtar u leh oo ay ku ilaalsan karto qarannimadeeda iyo wadajirka dhulkeeda, waana taas tan keentay inay maciin ka doonto kolkii horeba maxkamadda ICJ; haseyeeshee, dadaalka in dadaal lagu daro cidna  iskuma   diiddana.

W/Q Cabdulqaadir Cariif Qaasim

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirro: Munaasabad Weyn oo lagu daah furayo Xarunta laga Maamulayo Hawada Somalia oo hada ka socota Muqdisho

admin

Dowlada Imaaraadka Carabta oo Fariin adag u dirtay Dowlada Turkiga

Cabdi Cade

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya & wafdigiisa oo lagu soo dhoweeyey Addis Ababa (Sawiro)

admin
Taboola Ads ---