Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta dhagax dhigay dhismah xarunta taariikhiga ah Ex Baarlamaan ee degmada Boondheere.
Cumar Filish ayaa sheegay in ujeedka xaruntan loo dhisayo ay tahay si bulshada ay ugu soo dalxiis tagaan ugana bogtaan taariikhda goobtaan oo ah xaruntii Barlamaankii ugu horeeyay ee Jamhuuriyda Soomaaliya ee 1960.
Waxa uu sheegay Cumar Filish in maamulkiisa diyaar u yahay dib u dhiska xarumaha taariikhiga ah ee kuyaala magaalada Muqdisho si ay qeyb uga noqdaan bilicda caasimada Muqdisho.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com