Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Qarax ka dhacay magaalada Gaalkacyo iyo masuul waxyeelo kasoo gaartay

Wararka ka imaanaya Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in qarax lagu dhaawacay masuul katirsan Waaxda Canshuuraha ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland .

Sida aan wararka ku helnay gaari uu watay sargaal lagu magacaabo Cabdi Gube oo katiran Waaxda Canshuuraha ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa qaraxa loogu xiray, waxaana gaariga qarxay xili uu magaalada dhax marayay.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in qaraxa uu ku dhaawacmay sargaalkii watay kaa oo loola cararay isbitaalka magaalada Gaalkacyo, lamana oo sheegin khasaaro kale oo qaraxaan kasoo gaaray dad shacab ah.

Ciidamo katiran maamulka Puntland ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, lama soo sheegin cid ay ciidamada amaanka usoo qabteen qaraxan lagu dhaawacay sargaalkan katirsan wasaarada maaliyadda Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

DF oo beri fasaxday Shaqaalaha rayidka ah (Sababta)

Caydiid Ali

Qodobada xil ka xayuubinta Madaxweyne Trump oo amar lagu bixiyey in la diyaariyo

Caydiid Ali

Farmaajo oo ka hadlay Dagaalka ka dhanka Al Shabaab baaqna u diray shacabka Soomaaliyeed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---