Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

COVID-19 ma noqon karaa cudurdaar dib loogu dhigo doorashada Somalia?

COVID-19 waa laangaab yar oo aan lahayn jir Muuqda, wuxuuna xambaarsan yahay fariin mucaaradnimo oo waxyeelo halis badan sida, taasoo caqabad weyn ku ah tijaabinta hogaannimada madaxda maamuleysa dowladnimada ummadda ku nool dalalkooda. Ama ku tilmaan mucjiso loo soo diray hogaamiyeyaashaas in lagu tuso jiritaanka awood ka sareysa tooda ama u qaado iney tahay ciqaab lagu halaagayo dhaqanada ay dadku ilbaxnimo wakhti dheer soo socotey ku soo gaareen oo ay ka soo dhalatay nidaamyo hanaankoodu ku dhisan yahay dhaqan siyaasadeed, mid dhaqaale, iyo bulshanimo oo dunida maanta la joogo maareynteeda lagu xaliyo.

Laakiin waxaan shaki lahayn labaduba iney si cad oo muuqata ay banaanka u keenayaan hogaamiyeyaal badan oo fashilka ceebtoodu ka dhex muuqanayso wejiyada gabaxsan ee shacabkooda kadib marka ay horseedka sahankoodu uu ku horkufo shacab ay argagax iyo murugo u keentay guuldaradoodu.

Somali waa la hubsan doonaa iney leedahay hogaamiyaal ka badbaadiya sharta laangaabkaas, ama waxaa la arki doonaa halaaga heysta ummadda gafaneyaal ku naaxa waxtarka dhaqaale ee ummadda loogu soo yaboohay in lagu badbaadiyo kala barkeed.

Madaxdu waxey u muuqan kuwo halyey u arka waxyeelada laangaabkaas oo dantooda ka dhexfushada xiligaas dhibka badan ee ummaddu ay mareyso, iyo kuwo meel iska dhiga hankooda siyaasadeed oo awoodooda isgu geeya qafiifinta iyo iska caabinta waxyeeladda uu abuurayo halaaga uu wado laangaab yarahaas.

Madaxda Soomaaliyeed haddii ay cudurka COVID-19 moodeen fursad dahabiya oo doorashada dib loogu dhigi karo, waxey muujiyeen guuldaradooda iyo guusha mucaaradkooda. Haddii ay ka tanaasulan marmarsiyaha dib loogu dhigayo doorashada oo ay taas bedelkeeda la yimaadaan dadaal waxqabad leh oo si muuqda wax uga tara halganka ummaddeed ee lagu badbaadinayo naftooda iyo maalkooda, waxey u noqoneysaa taas bedelkeeda fursad asal ah oo ay ku sameeyeen isbedel dhaba oo waxtar leh oo guusha doorashada oo wakhtigeeda ku dhacda ay dhankooda u dhacdo.

Dareenka doorashada waxey shacabka u wadaa farxad iyo rayn rayn, mana ahan farxadu iney tahay wax mustaqbalka dib loogu dhigo, laakiin waa bishaaro kheyr leh oo loo baahan yahay in wakhtigeeda shacabku ay la kulmaan. Tani waxey la mid tahay joojinta ciidaha dadku ay farxadooda ku muujinayaan heer qoys, mid qaraabo, iyo mid saaxiibtinimo.

Xilku wuxuu leeyahay wakhti uu dhamaado oo loo baahan yahay awooda in dib loogu celiyo shacabka si ay u soo doortaan madaxdooda. Wakhtigu ma dhamaado oo meelna kuma istaago, mana yaqaano dib u dhig iyo soo hormarin midna. Sooyaalka dhacdooyinkeeda waxaa lagu asteeya wakhti taariikheed cayiman.

Haddii uu dhaco isbedel waxaa isbedelaya xaaladii, waxaana la gelayaa xaalad cusub iyo marxalad ka duwan tii hore. Waxaa dhaceysa awoodii oo sidii hore ka bedelan iyo shuruudo cusub oo ku soo kordha marxalada cusub. Halista aad ka carareysid oo dibudhigista kaliftay waxaa ka khatar badan mida ay wadato timaadada. Cimri dheereysigu wuxuu leeyahay murugo badan oo aad u soo joogtid darxumadiisa, kaasoo ah in ka badan inta aad xamili kartid ama laguu dulqaadan karo, waxaana ka dilaaca daneysiga imaandarida ah ciqaab iyo sumcad xumo ku dhamaata taariikh madow, sida ku dhacday: Qadaffi, Numeyri, Husni Munarak, Saddam Hussein, Siyad Bare, Al Bashir, iwm.

Marmarsiyaha cudurka COVID-19 ma noqon karo cudurdaar dib loogu dhigo doorashada, maxaa yeelay doorasho la’aan dowladdu ma lahan sharciyadda ay wax ku maamuleyso. sidoo kale dibudhigistu waxey horseedeysaa muran dhaliya maqnaasho hogaamineed, taas oo horseedi karta mustaqbal madow, sidaas daradeed dib u dhigista doorashada ma ahan xaq iyo xal wanaagsan. Haddii aadan awoodin ogolaanshaha, samirka, iyo u dulqaadka guuldarida doorashada, ha isku kalifin inaad gashid doorashadda ama ha isku dayin inaad keentid doorashada sanduuqyo codbixin oo qufulo fara badan wata, maxaayeelay muujinta taxadarka beenguurka ah waxaa ku hoos keydsan dhagarta buuxiska ku shubashada.

Soomaalidu dhaqanka ku shubashada doorashada waayo aragnimo kala duwan ayey u leedahay oo cid walba waa ay ogtahay culuunteeda wixii ka dhici jirey Baydhabo iyo Dhuusamareeb.

W.Q: Prof. Saciid Ciise Maxamuud 
Maine, USA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya dagaalo culus oo ka dhacay J/hoose

Caydiid Ali

Shir u dhaxeeyay Xasan Sheekh, Xamse iyo Axmed Madoowe oo fashilmay

Cabdi Cade

Al Shabaab oo sheegtay in qaar kamid ah ragii xalay Weerarka ka geestay Muqdisho nool yihiin

Cabdi Cade
Taboola Ads ---