Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dowlad xayiraada shacabkeeda u adeegsaneysa robotyo casri ah (Daawo Sawirada)

Inta badan wadamada caalamka ayaa xayiraad kusoo rogay shacabka kunool si looga hortago in uu faafo nolosha dad badana galaafto cudurka sida weyn dunida ugu faafaya ee Caronavirus.

Dowladaha xayiraada shacabkooda kusoo rogay ayaa adeegsanaya xeelado kala duwan si ay u dhaqan galiyaan xayiraada looguna qasbo dadka in ay joogaan guryahooda mudada xayiraada ah.

Booliiska dalka Tuniisiya ayaa loo sameeyay robotyo cari ah oo ka caawinaya xayiraada shacabka dalkaasi lagu soo rogay, waxaana robotyadan lagu soo fasaxay wadooyinka magaalooyinka waa weyn sida caasimada.

Robotyadan ayaa loogu tala galay in lagu hubiyo in muwaadiniintu u hogaansameen shuruucda xayiraadda bulshada ee looga hortagayo Caronavirus,, waxaana robotyadan  laga hagayaa xarumaha booliska iyadoo ay jiraan saraakiil si gaar ah ugu xil saaran.

Waxaa aad u yar dadka shacabka ah ee lugeenaya wadooyinka magaalooyinka waa weyn, waxaana robotyadan magaalada lagu fasaxay u dhawaanayaan qofkii ay arkaan isaga oo magaalada dhax socda iyagoona su’aalo adag weediinaya.

Robotyadan ayaa dadka weediinaya sababta ay guryahooda uga soo baxeen una jabiyeen amarka xayiraada, waxa ayna robotyada dadka ay qabtaan sidoo kale weediinayaan in ay tusaan warqada fasaxa iyo kaararka aqoonsiga,waxaana documentigaasi haddii uu sharci yahay laga arki karaa xarunta booliska ee laga hagayo robotka.

Dalka Tunuusiya ayaa laga helay in ka badan 400-kiis oo cudurka Caronavirus, waxaana la xaqiijiayay in gudaha dalka Tunuusiya cudurka Caraonavirus ugu geeriyoodeen dad gaaraya 14-qof.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo la kulmay Xildhibaanada cusub ee Puntland iyo Guddoonkooda (Sawirro)

Cabdi Cade

TV-ga Qaranka oo ku biiray dagaal siyaasadeedka u dhaxeeya Puntland iyo DFS

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo ka dhoofay Muqdisho iyo halka uu ku sii jeedo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---