Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

Somaliland: “Soomaalinmo maaha in DF diido kiisaska Coronaviruska aan helnay”

Maamulka Somaliland ayaa jawaab caro leh ka bixiyey hadal shalay ka soo yeeray DF oo sheegayey ineysan aqoonsaneyn kiisaska cudurka COVID-19 ee laga helay Somaliland.

Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegay shalay inaysan aqoonsaneyn labo Kiis oo Somaliland ay sheegtay in laga helay magaalooyinka Berbera iyo Burco, isagoo sabab uga dhigay inaysan ku kalsooneyn awooda Somaliland u leedahay xaqiijinta Coronavirus.

Waxaa hadalkaas si caro leh uga jawaabtay Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland Hinda Xersi Gaani oo sheegtay in Madaxda dowladda federaalka aysan dhab ka aheyn Soomaalinimada, maadaama ay iska indho tireen xaaladda cakiran ee reer Somaliland wajahayaan.

“Qof kuu diidey in degaanadaada laga helay COVID-19, kuu aqoonsan maayana leh bal muxuu kuu qaban karaa, halka laga sugayey inay yiraahdaan Somaliland waa dal yar ee aan u duceyo ama haloo gurmado” ayey tiri wasiirada.

Hay’adda caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa labo cisho ka dib ku dartay liiska cudurka Coronavirus, iyadoo labada kiis ee Somaliland la raaciyey Soomaaliya, maadama aan loo aqoonsaneyn dal madax-banaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Koobka Kubada Cagta Aduunka oo caawa si rasmi ah uga furmay dalka Qatar (Sawirro)

Caydiid Ali

Aktarad caan ah oo Dhawwaan qaadatay Diinta Islamka oo Sannadkan Xajineysa

Cabdi Cade

Madaxweyne Xassan Shiikh, Abiy Ahmed iyo madax kale oo ku wajahan Nairobi (Ujeedka)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---