Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Qofkii ugu horeeyey Soomaali ah oo dalka Holand ugu geeriyooday Coronavirus

Qofkii ugu horeeyey ee Soomaali ah ayaa la sheegay inuu maanta dalka Holand ugu geeriyooday Cudurka Coronavirus ee haatan caalamka oo dhan uu dagaal kula jiro.

Allaha u Naxariiste Mohamed Omar (Gacmadheere) oo ahaa odey Soomaaliyeed oo deganaa Magalada Zutphen ee wadankan Holland ayaa la xaqiijiyey inuu ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaaladaas.

Gacmadheere ayaa ka mid ahaa odayaasha Soomaalida ee mudada dheer ku noolaa dalkaas, waxaana uu noqday Qofkii ugu horeeyey ee Soomaaliyeed Cudurkaan ugu dhinta Holland.

Soomaali fara badan oo ku nool dalka Holand ayaa la sheegay iney isbitaalka u jiifaan cudurka Coronavirus, kuwaasoo qaarkood la sheegayo in xaaladooda ay aad u liidato.
Dhinaca kale, waxaa xalay xanuunka Covid-19 magaalada Oslo ee dalka Norwey ugu geeriyooday marxuumkii labaad oo soomaali ah.

Marxuumka geeriyooday ayaa la xaqiijiyay inuu xanuunka soo ritay maalmo kahor, waxaana la dhigay oo uu ku geeriyooday isbitaalka Oslo. waxaana maalmihii ugu danbeeyay uu ku xirnaa mashiinka neefta, ka hor inta aysan tii Alle u imaan.

Maalintii Talaadada aheyd, waxaa magaalada Oslo lagu aasay Marxuum Axmed Faarax Cali oo ahaa qofkii ugu horeeyay ee soomaali ah ee xanuunkan ugu geeriyooda dalka Norwey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

 

Related posts

Cabdi Qeybdiid iyo Cabdi Xareed oo goordhaw Noqday Senataro kadib markii loo tanaasulay

Cabdi Cade

Dhulgariir weyn oo laga cabsi qabo inuu ka dhaco Istanbul iyo digniin laga soo saaray

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Doorashada Madaxweynaha Jubbaland oo bilaabatay iyo Wakiilada beesha …

admin
Taboola Ads ---