Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo War ka soo saaray rasaas ka dhacday agagaarka hoyga Shiikh Shariif

Xeer Ilaaliyada Guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa beeniyey eedeymaha sheegaya in gaari ay leeyihiin ciidanka Booliska DF uu rasaas ku furay difaaca koowaad ee hoyga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay Madaxweynihii hore ee Somalia Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in gaari ay wateen ciidamo ka tirsan Booliska oo isaga ilaalo u ah ay hal xabad oo kaliya hawada u rideen si ay u kala socodsiiyaan labo gaari oo wadada xirtay, aysana jirin cid weerartay ilaalada Madaxweyne Sheekh Shariif.

“Gaariga la sheegay inuu Xabad huwiyay ilaalada Madaxdwaynihii hore Mudane Sheekh Shariif, waa gaari Police ah oo ilaaladaydu saarneynd. Labo gaari oo yaryar oo wadada ku sheekaysanayay wadadana xirtay kadibna gaarigii Police sanka u soo galiyay gawaaridooda ayaa keentay halka xabo ee dhacday. Waxaa caddaynayaa wax intaas ka wayn inaysan jirinin cid weerartay ilaalada Madaxwayne Sheekh Shariifna aysan jirin” ayuu yiri Suleymaan Maxamed Maxamuud.

Warkan ayaa u muuqda looga jawaabayo hadal ka soo baxay Xisbiga Himilo Qaran ee uu hogaamiyo madaxweynihii hore ee Somalia Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ku eedeeyey ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya inay rasaas ku fureen Difaaca Koowaad ee laga ilaaliyo Guriga Shiikh Shariif.

Cabdinaasir Maxamed Sheekh Nuur oo ah Xoghayaha Maaliyadda Xisbiga Himilo Qaran ayaa xaqiijiyay Warkan, isagoo sheegay in Ciidanka Ilaaladda Sheekh Shariif aysan wax jawaabo ah ka bixin rasaasta lagu furay, iyagoo iska ilaalinayey inuu goobta ka dhaco iska horimaad khasaare sababi karay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Madaxweyne Ashraf Qaani oo Iscasilaya iyo Gole KMG oo la magacaabayo xili Daalibaan..

Cabdi Cade

Wasiirka cusub ee ganacsiga iyo warshadaha oo lagu soo dhoweeyay Muqdisho(Daawo Sawirada)

admin

Somaliland war layaab leh kasoo saartay Ansixinta wax ka bedelka Dastuurka Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---