Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Khayre oo ka hadlay go’aanka Somalia looga cafiyey deyn dhan $1.4 Bilyan oo Dollar

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa soo dhoweeyay go’aanka ay Deeq bixiyeyaasha Naadiga Paris dalka uga cafiyeen $1.4 Bilyan oo kamid ahayd deyntii lagu lahaa dalkdeenna.

Arrinkan ayaa ku soo beegmaya iyada oo todobaadkii la soo dhaafay hay’adaha dhaqaalaha  caalamiga ah (IFI’s) ay dalka ka cafiyeen $830m, taasoo isugeynta lacagta Soomaaliya  laga cafiyay illaa iyo hadda ka dhigeysa 2.25b. Deynta horay loogu lahaa Soomaaliya waxay ahayd $5.2 Bilyan.

Sidoo kale deeq bixiyayaasha aan xubnaha ka ahayn Naadiga ku bahoobay Paris ayaa iyana ballan qaaday in ay Soomaaliya ka cafin doonaan daytna ay Soomaaliya ku leeyihiin 67%  kamid ah, taasoo kor u qaadi doonta daynta laga cafiyay dalkeenna. Waxaa kale oo ay deeq bixiyayaashu ballan qaadeen in ay daymaha oo dhan ama intooda badan ay ka cafin doonaan Soomaaliya marka ay Soomaaliya kasoo baxdo shuruudaha u harsan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dalalkan uga mahadceliyay sida ay u garab istaageen dadaallada ay dowladda Soomaaliya dib ugu habaynaysay nidaamkeeda maaliyadeed iyo sida ay uga qeyb qaateen xaqiijinta rajada shacabka Soomaaliyeed.

“Waa tallaabo taariikhi ah oo ka turjumeysa soo nooleynta Qaranimadeena, isla markaana ah guul usoo hoyatay qof walba oo Soomaali ah. Waa dadaal miro dhalay oo u baahan in la joogteeyo”. ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyay dadaalka ay hay’adaha dowladda Soomaaliya heer federaal iyo heer dowlad goboleed ku bixiyeen ka mira dhalinta arrintan oo ahayd halbeeggii ugu  weynaa ee ay Soomaaliya ku guuleysato 30 kii sano ee la soo dhaafay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Muqdisho & inta badan gobolada dalka oo si Weyn looga dabaaldegayo Ciidul-fitriga

Caydiid Ali

(Sawirro) Bashar Al-Asad oo shan cisho ka dib booqday goobaha dhulgarirka Siiriya

Caydiid Ali

Hub la sheegay in Al-Shabaab laga furtay oo Kismaayo lagu soo bandhigay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---