Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Coronavirus oo ku sii faafaya Kenya iyo Kiisas ugu badnaa oo maanta la helay

Dowlada Kenya ayaa maanta xaqiijisay in dad hor leh oo gaaraya 22 qof laga helay cudurka Coronavirus ee dhibaatada xoogan ku haya caalamka.

Wasaarada Caafimaadka ee dalka Kenya ayaa sheegtay in dadka cusub ee maanta laga helay cudurka ay kala yihiin 13 rag ah iyo 9 haween.

Kiisaskan cusub ayaa tirada guud ee dalka Kenya laga helay cudurka waxay gaarsiineysaa 81 ruux, waxaana horey ugu dhintay dalkaas hal qof oo ka mid ahaa dadka laga helay.

Dowlada Kenya ayaa qaaday talaabooyin laagu xakameynayo faafida cudurkan, iyadoo bandow lagu soo rogay magaalooyinka waaweyn ee dalkaas qaarkood, iyadoo la mamnuucay goobaha la iskugu yimaado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

(Sawirro) Ciidanka dowlada oo soo bandhigay Sarkaal la sheegay inuu ka soo goostay Al-Shabaab

Caydiid Ali

DF oo shaacisay iney cagta marisay Maxkamadihii Al-Shabaab ee duleedka Muqdisho

Caydiid Ali

Al Shabaab oo weerar khasaaro geestay ka fulisay gudaha Kenya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---