Allbanaadir.com
NEWS

Qarax Khasaaro geestay oo ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Waxaa saakay qarax miino nuuca dhulka lagu aaso uu ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan meel ku dhaw Isbitaalka Digfeer, waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in qaraxa lala eegtay gaari dagaal nuuca Cabdi Bilaha loo yaqaan oo marayay laamiga ku dhaw Isbitaalka Digfeer, waxaana qaraxa la sheegay in uu haleelay gaariga ay ciidanka la socdeen.

Askar saarneyd gaariga Tiknikada ee qaraxa lala eegtay iyo dad shacab ah oo ka agdhawaa goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa la sheegay in khasaaro dhimasho iyo mid dhaawac uu kasoo gaaray qaraxaasi.

Qaraxa kadib waxaa goobta soo gaaray ciidamo katirsan dowlada kuwaa oo goobta ka qaaday askarta waxyeelada ay kasoo gaartay qaraxa sidoo kale baaritaano aan natiijo kasoo bixin goobtaasi ka sameeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Maamulka Bakool oo soo saaray awaamiir ku socota shirkaddaha Dayuuradaha (Akhriso)

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Muuse Biixi oo maanta kulmaya iyo Somaliland oo ka hadashay

Cabdi Cade

Golaha amaanka QM oo isku raacay xabad joojin deg deg ah & Israel oo ku gacan seyrtay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---