Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

Maamulka Somaliland oo xaqiijiyay kiisaskii ugu horeeyey ee cudurka Coronavirus

Somaliland ayaa goor dhow xaqiijisay in degaanadeeda laga helay kiisaskii ugu horeeyey cudurka Coronavirus.

Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Somaliland ayaa ku dhawaaqday in kiiskii ugu horreeyay ee Cudurka Coronavirus laga helay laba ruux oo ku sugan deegaano ka tirsan maamulkaas.

Cumar Cali Cabdullaahi Wasiirka Caafimaadka Somaliland ayaa sheegay in Cudurka laga helay Nin u dhashay Shiinaha oo howlo shaqo u jooga magaalada Berbera.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in qof kale ee laga helay Cudurka uu ku sugan yahay Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, isla markaana uu ka soo laabtay dalka Ingiriiska oo ka mid ah dalalka ku faafay Cudurka.

Labada ruux ayuu sheegay in lagu karantiilay Xarumo Somaliland ugu talagashay in dadka uu soo rito Cudurka lagu daaweyo, wuxuuna shacabka Somaliland ugu baaqay iney qaataan talooyinka ka hortaga ah ee Wasaarada caafimaadka.

HOOS KA DAAWO HADALKA WASIIRKA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Shirka dib u eegista Hindise sharciyeedka Difaaca Qaranka oo la Daah-furay

Cabdi Cade

Shacabka Dayniile oo mar kale nolosha ku qabtay nin katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade

Kiiskii ugu horeeyey ee cudurka COVID-19 oo laga helay & Jigjiga qof ka yimid Puntland oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---