Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xeebta Liido oo dabaasha laga mamnuucay & amaro lagu soo rogay Hotelada iyo baararka

Guddiga Maamulka Gobolka Banaadir u qaabilsan ka hortaga caabuqa Coronavirus (COVID-19) oo ay hogaamiso Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Marwo Basma Caamir Axmed oo maanta kulan ku yeeshay xarunta aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa soo saaray go’aamo la xiriira Hakinta Isku-imaanshiyaha nulsho iyo Talooyin Caafimaad.

Wareegto kasoo baxday Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu xusay in la hakiyo isku imaatinka bulshada iyadoo fariin loo diray Hoteelada, Maqaayadaha iyo goobaha Dalxiiska ee Muqdisho.

Waxaa muddo labo todobaad ah la joojiyay dadka u soo dabaal taga xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho iyadoo sidoo kale la joojiyay goobaha lagu caweeyo ee lagu isticmaalo shiishadaha.

Hoteelada, Maqaayadaha iyo goobaha Dalxiiska ayaa la faray in ay diyaariyaan agabyo Nadaafadeed ee loogu hortagi karo faafida Caabuqa COVID-19 sida, goobo farxal nadaafadeed iyo jeermis dile, iyadoona hab fadhiga goobahaasi laga dhigayo mid kala fog si loogu hortago faafida caabuqa COVID19.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

(Sawirro) Sidee looga ciiday Magaalada Jigjiga xarunta dowlad degaanka Soomaalida

Caydiid Ali

Baarlamanka DF oo ansixiyey sharci Muhiim ah oo muddo badan hor yaalay (Sawirro)

Caydiid Ali

Safiirka USA ee Somalia oo beeniyey war uu qoray Wargeys Itoobiyaan ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---