Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xaalada cudurka COVID-19 ee dalka Maraykanka oo si weyn looga deyriyey

Saynisyahan sare oo Mareykan ah, Dr. Anthony Fauci ayaa soo saaray saadaalin taxaddar uu la socdo oo ah in cudurka coronavirus uu dalka Mareykanka ku dili karo dad gaaraya 200,000 oo qof.

Dr. Fauci oo hoggaamiya cilmi-baarista cudurrada faafa ee Machadka Caafimaadka ee Qaranka, ayaa hoos u dhigay saadaasha ugu xun ee ah in cudurka uu dili karo hal milyan oo qof, wuxuuna taa beddelkeeda bixiyey qiyaas cusub oo ah in dhimashada ay u dhaxeyn karto 100,000 ilaa 200,000.

Hase yeeshee, Fauci oo xubin ka ah guddiga madaxweyne Trump u xil saaray xakameynta cudurka, ayaa ka digay inaan loo qaban haddii tirada aysan sax noqon.

“Ma doonayo in taas la ii qabto…waa wax is-beddelaya mar walba, si fudud ayaad ku qaldami karta oo aad ku marin habaabin kartaa shacabka,” ayuu yiri.

Cudurka COVID-19 ayaa si xooggan ugu dhuftay Mareykanka toddobaadyadii dhowaa, si la mid ah qeybo ka mid ah Asia iyo Yurub.

Kadib markii Mareykanka laga xaqiijiyey dhimashadii ugu horreysey ee ka dhalatay cudurka 29-kii Febraayo, waxay qaadatay ha bil in tirada gaarto kun qof, hase yeeshee kadib, laba maalin gudahood ayey ku gaartay 2200 oo qof.

“Tani waa habka ay cudurada ugu faafaan si caalami ah, waana taas waxa aan dhammaanteen ka walaacsanahay, oo aan digniinta sare ugu qaadeyno,” waxaa sidaas tiri Dr. Deborah Birx, oo ah isu-duwanah guddiga Aqalka Cad u xil saaray xakameynta cudurka, “Ma jiro doono gobol ama magaalo ka bad-baadi doonta,” ayey tiri.

Dalka Mareykanka ayaa ah dalka laga xaqiijiyey kiisaska ugu badan caalamka ee la xiriira Coronavirus, wuxuuna fayruska ku haleelay in ka badan 143,00 oo qof, oo 2,514 ka mid ah ay geeriyoodeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Dowlada Soomaaliya oo War kasoo saartay Fatahaada Wabiyada iyo Cabsida wali jirto

Cabdi Cade

(Sawirro) Muxuu Gudoomiye Madaale ka doonay furumaha dagaalka Sh/dhexe?

Caydiid Ali

Caruusad la furay 30 daqiiqo ka hor Aqalgalkeeda iyo Sababta layaabka leh ee Keentay !!!?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---