Waxaa maanta baraha bulshada lagu baahiyay warar been abuur ah oo ku aadanaa in lataliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee arimaha Islaamka iyo Carabta Sheekh Cali Wajiis uu ku dhacay Caronavirus sidoo kale lagu kala cararay Hotelkii uu degnaa ee Dayah.
Sheekh Cali Wajiis oo wareysi gaar ah siiyay Shabakada Allbanaadir ayaa beeniyay wararka lagu baahiyay baraha bulshada, waxa uuna sheegay in uu caafimaad qabo wax cudur ahna uusan qabin.
Waxa uu sheegay Sheekh in warka been abuurka ah faafiyeen dad fidno wadayaal ah , waxa uuna intaa raaciyay in Hotelka Dayax uu degan yahay wax shido ah uusan ka jirin ayna dadku si caadi ah u degan yihiin ugana shaaxayaan.
Halkan ka Daawo Muuqaalka Sheekh Cali Wajiis oo arimahan ka hadlaya