Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa amartay in la xiro dugsiyada Quraanka Kariimka iyo mowlacyada dalka si looga hortago in uu faafo caabuqa Caronavirus ee ku faafaya wadamada caalamka.
Wasiirka Wasaaradda Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa sheegay in beri waxii ka dambeeya la xirayo dugsiyada Quraanka Kariimka iyo goobaha kale ee diinta lagu faafiyo.
“Laga bilaabo maalinta berri oo ah Talaado 31/03/2020 waxaan si’ rasmi ah u xirnay Dugsiyada Barashada Qur’aanka & xarumaha Barashada Diinta muddo (2) laba todobaad ah, maadaama caruurtu ay yihiin kuwa ugu nugul qaadidda caabuqa covid19,”ayuu yiri Wasiirka Owqaafta iyo Arrimaha Diinta.
Amarkan cusub ee kasoo baxay dowlada federaalka Soomaaliya xili horey dowlada u xirtay Goobaha waxbarashada dalka sida Jaamacadaha iyo iskuulada iyo sidoo kale garoomada lagu ciyaaro kubada cagta.