Allbanaadir.com
NEWS

Caronavirus oo kusii faafaya dalka Kenya iyo kiisas hor leh oo maanta la shaaciyay

Dowlada Kenya ayaa shaacisay in cudurka Caronavirus uu kusii faafayo gudaha dalkaasi,  waxaana maanta wasaarada caafimaadka xaqiijisay kiisas hor leh oo ku aadan dad cusub uu ku dhacay cudurkaasi.

Wasiirka caafimaadka ee dalka Kenya,Mutahi Kagwe ayaa xaqiijiyay in sideed qof oo horleh uu ku dhacay cudurka Caraonavirus xili dowlada qaaday talaabooyin ay uga hortageyso in cudurkaasi faafo.

Waxa uu sheegay wasiirka in cudurka Caronavirus in uu hada kusii faafayo gobolada dalka kenya, waxa uuna ugu baaqay bulshada Kenya in ay sameeyaan taxadar sidoo kale qaataan talooyinka caafimaad ee lasiinayo.

Dowlada Kenya ayaa ilaa hada xaqiijisay in gudaha dalkaasi laga helay 50-kiis oo cudurka Caronavirus ah, waxaana laga cabsi qabaa in cudurkaasi sii faafo magaalooyinka kala duwan dalkaasi xili dowlada ay dadka ku amartay in guryahooda joogaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

DF oo War ka soo saartay howlgalkii saaka ka dhacay degaanka Basra (Akhriso)

Caydiid Ali

Dowlada Soomaaliya oo War kasoo saartay Weerar Hoobiye oo ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade

Shacabka Muqdisho Layaab ku tilmaamay hab dhaqan cusub oo la timid dowlada Farmaajo

Cabdi Cade