Sagaal ardey ayaa la dilay, 10 kalena way dhaawacmeen ka dib markii nin mindi ku hubeysan uu weeraray iyagoo ka soo baxaya iskuul ku yaalla Waqooyiga dalka Shiinaha, sida ay saraakiisha dalkaasi sheegeen.
Ninka weerarka qaaday waxaa la sheegay inuu ahaan ardey iskuulkaasi dhiganayay oo ka aargudanayay xad gudub uu sheegay in horey loogu sameeyay.
Weerarka wuxuu ka dhacay degaanka Shanxi ee gobolka Mizhi. Waxaa la sheegay in ardeyda ay ku sii socdeen guryahooda, iyadoo Ninka laga shakiyay uu hadda ku xiran saldhig ciidan.
Booliska dalka Shiinaha ayaa ninkaasi magaciisa ku sheegay Zhao oo 28 sano jir.
Baaritaanka hordhaca ah waxay ku ogaadeen in sababta weerarka uu yahay in ninka uu aargudanayay ka dib markii lagu xadgudbay. Wuxuu dhiganayay fasalka seddaxaad ee dugsiga sare.
Ardeyda Iskuulkaasi dhigata waxay da’dooda u badan tahay 13 illaa 14 jirro.
Sidoo kale, waxay booliska sheegeen in ardeyda dhimatay ay kala yihiin toddobo gabdhood iyo laba wiil.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com Â