Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Ilaalo Madaxweyne oo soo riday Diyaarad kor kala socotay xayiraada shacabka

Ciidammada ilaalada madaxtooyada dalka Sudan ayaa soo riday diyaarad nuuca aan duuliyaha laheyn oo kor kala socotay xayiraada dowlada kusoo rogtay shacabka si looga hortago faafitaanka cudurka Caronavirus.

Wargeys kasoo baxa dalka Sudan ayaa qoray in ciidamada ilaalada Madaxweynaha dalka Sudan soo rideen diyaaradan xayiraada dadka la socotay xili ay dul mareysay guriga uu degan yahay Madaxweynaha Sudan Janaraal Cabdul Fataax Al Burhaan.

Ilaalada Madaxtooyada dalka Sudan ayaa ka shakiyay diyaaradan ay adeegsanayeen ciidamada Sudan, waxa ayna ciidamada ku rideen rasaas sahashay in diyaaradaasi soo dhacdo.

Diyaarada aan duuliyaha laheyn ee lasoo riday ayaa waxaa lahaa ciidamada amaanka Sudan, waxaana diyaaradan ciidamada u adeegsanayeen in kor kala socdaan xayiraada shacabka Sudan lagu soo rogay.

Dalka Sudan ayaa lagu soo rogay bandow si looga hortago in cudurka Caronavirus uu ku faafo gudaha dalkaasi, waxaana magaalooyinka dhax socda ciidamada amaanka oo kahortagaya in shacabka kasoo baxaan guryahooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Beesha caalamka oo bilowday isku day lagu joojinayo qorshaha muddo kordhinta Farmaajo

Caydiid Ali

Cali Guudlaawe oo kulan xasaasi la qaatay Taliyeyaasha Ciidanka ATMIS (Sawirro)

Caydiid Ali

Danjire Keating: Somalia waxay qarka u saaran tahay iney cagaheeda isku taagto dhaqaale ahaan”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---