Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo telfoon kula hadlay Madaxweynaha Puntland

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka hadashay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay magaalada Garawe laguna dilay Guddoomiyihii Gobolka Nugaal Marxuum Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gu’ Jir) .

War kooban oo kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay qaraxaasi ka dhacay magaalada Garawe , waxaana Madaxtooyada Soomaaliya ka tacsiyadeesay geerida ku timid Gudoomiyihii gobolka Nugaal.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khadka taleefanka kula xiriiray Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani ayaa geerida marxuumka uga tacsiyeeyay bulshada iyo Maamulka Puntland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa  Alle caafimaad deg-deg ah u weydiiyay dhammaan dadkii ku waxyeeloobay qaraxaasi ismiidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay magaalada Garawe ee caasimada Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Taliyaha Guud ee ciidanka Sacuudiga oo booqday Iran (Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Axmed Madoobe oo qaatay shahaadada Musharaxnimo

Caydiid Ali

Raisul Wasaare Rooble oo kulan xasaasi ah la qaatay Tina Intelmann (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---