Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Gantaalo lagu weeraray Magaalada Riyadh & khasaare nafeed oo ka dhashay

audi Arabia ayaa sheegtay in nidaamkeeda difaaca cirka uu ka hortagay gantaallo nuuca baalistiga ah oo looga soo tuuray dhinaca dalka Yemen.

Wakaalada wararka Sacuudiga ayaa sheegtay in gantaalladani lagu soo tuuray gobolka Jizan ee xadka la leh Yemen iyo magaalada caasimadda ah ee Rıyad.

Sacuudigu wuxuu sheegay in laba qof ay kaga dhaawacantay firir ka dhashay gantaallada lagu soo weeraray.

Millatariga Sacuudiga ayaa ku eedeeyay weerarkaasi kooxda Xuutiga Yemen ee taageerada ka hela dowladda Iran oo ay xafiiltan dhanka gobolka ah kala dhaxeeyo Boqortooyada Sacuudiga.

Duqeymo culus ayaa dhowr Bilood ka hor ka dhacay goobaha shidaalka laga soo saaro ee dalka Sacuudiga qaarkood, kuwaasoo geystay khasaare balaaran, waxaana masuuliyada weerarkaas sheegtay kooxda Xuuthiyiinta Yemen, hase ahaatee Sacuudiga ayaa ku eedeeyey Iran inkastoo ay beenisay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com  

Related posts

Guddiga Doorashada Jubbaland oo fuliyey qodob ka mid ah soo jeedintii beesha caalamka

Caydiid Ali

Puntland oo ka hadashay duqeyn hal qoys lagu laayay oo xalay dhacday

Cabdi Cade

Haweeney uu abti u yahay Ayatollah Ali Khameni oo baaq yaab leh u dirtay dunida

Caydiid Ali
Taboola Ads ---