Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamulka Puntland ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay sargaal katirsanaa ciidanka waaxda canshuuraha bariga ee maamulka Puntland.
Goobjoogayaal ayaa ku waramay in kooxo hubeesan toogteen sargaal xili uu ku sugnaa goob maqaayad, waxaana dilka kadib goobtaasi si deg deg ah uga baxsaday ragii dilka geestay oo dhalinyaro lagu sheegay.
Ciidamada booliiska Puntland ayaana soo gaaray goobta lagu dilay sargaalkan oo magaciisa lagu sheegay Caynab Maxamed Dunge, waxaana ciidamada halkaasi ka bilaabeen howlgalo lagu baadi goobayo ragii dilka ka dambeeyay.
Magaalada Boosaaso ayaa noqotay magaalada ugu amaanka xun magaalooyinka uu ka arimiyo maamulka Puntland, waxaana magaaladaasi ka dhaca dilal qorsheesan iyo qaraxyo lala eegto ciidamada iyo dadka maamulkaasi katirsan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com