Qaar kamid ah Wadamada Yurub waxaa dhibaato xoogan ku haya caabuqa Caronavirus , waxaana maalinbo maalinta ka dambeysa sii kordhaya dadka u dhimanaya iyo kuwa uu haleelayo Caabuqan.
Dalka Talyaaniga ayaa hada noqday dalka ugu daran uu saameeyay Caronavirus, waxaana dalkaasi ugu dhintay cudurkaasi dad ku dhaw 10-kun oo qof halka uu ku dhacay dad ka badan 80-kun oo qof.
Dowlada Talyaaniga ayaa wadamada caalamka ka codsatay in gacan ka siiyaan la dagaalanka Caronavirus oo dalkaasi kusii faafaya dadka badan ku dilay, waxa ayna dowlada Talyaaniga sheegtay in ay ku guul dareesatay in ay xakameeso cudurkaasi.
Afhayeenka Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya Ismaaciil Mukhtaar ayaa wakaalada wararka Turkiga ee Anadol u sheegay in dowlada Soomaaliya u direyso dalka Talyaaniga dhaqaatiir ka caawisa caabuqa Caronavirus.
Waxa uu sheegay afhayeenka in dowlada federaalka ay ka jawaabtay codsi uga yimid dowlada Talyaaniga, waxa uuna tilmaamay in 20 Dakhtar oo ka socda Jaamacada Ummada Somaliyeed ee Muqdisho loo dirayo Talyaaniga.
”Dhakhaatiirtan oo si iskood ah isku xilqaamay waxay iska diwaangaliyeen Safaarada Talyaaniga ee Muqdisho, waxayna u socdaali doonaan dalka Talyaaniga si uga caawiyaan dagaalka lagula jiro cudurka Coronavirus” ayuu yiri Afhayeenku
Soomaaliya ayaa kamid ah wadamada laga helay caabuqa Caronavirus inkastoo uusan wali saameyn badan ku yeelan, waxaana cudurkan tabar u waayay wadamada caalamka ugu dhawqaalaha iyo awooda badan ay ku jiraan Wadamada Yurub iyo Mareykanka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com