Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Puntland oo soo saartay Go’aano ay uga hortageyso Caronavirus iyo xuduudo la xirayo

War saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada arimaha gudaha maamulka Puntland ayaa lagu shaaciyay go’aano adag oo looga hortagayo in uu soo gaaro kuna faafo cudurka Caronavirus deegaanada Puntland.

Wasaarada arimaha gudaha maamulka Puntland ayaa sheegtay in beri laga bilaabo la xirayo xaduudaha maamulka Puntland la wadaago Somaliland iyo dowlad deegaanka Soomaalilad Itoobiya.

Waxaa sidoo kale Wasaarada arimaha gudaha Puntland amar ku bixisay in beri laga bilaabo la joojiyo jaadka la keeno deegaanada Puntland si looga hortago halista Caabuqa Caronavirus oo soo gaaray gudaha Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho.

Halkan ka Akhriso War Saxaafadeedka Puntland kasoo baxay

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Sarkaal ka soo goostay Al-Shabaab oo isku dhiibay Qeybta 60aad ee xoogga dalka

Caydiid Ali

Sidee Soomaaliya Uga Gudubtay Jahwareerkii iyo Caqabadihii ka taagnaa Doorashada ?

Cabdi Cade

Madaxweyne Xassan Shiikh oo tacsi murugo leh u diray dowlada iyo shacabka Turkiga

Caydiid Ali
Taboola Ads ---