Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Raisul Wasaaraha Britain Boris Johnson oo laga helay caabuqa Coronavirus

Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa laga helay xanuunka dunida kusii faafaya ee coronavirus, kaddib markii baaritaan lagu sameeyay.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha UK ayaa shaacisay warkan, waxaana la sheegay in Mr Johnson uu qabo calaamado sahlan oo ka mid ah kuwa uu leeyahay cudurka, wuxuuna si shakhsi ahaan ah isugu karantiilay gudaha xafiiskiisa.

“Waxaa laga baaray coronavirus kaddib markii uu si gaar ah ula taliyay madaxa waaxda caafimaadka, Chris Whitty,2 ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Sida lagu sheegay bayaanka, Boris Johson wali wuxuu sii heyn doonaa xilka iyo maamulka dowladda, xilli lala tacaalayo xasaradaha ka dhashay cudurkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Cabdirashiid Xidig oo isna loo doortay in Madaxweyne ka noqdo Jubbaland (Daawo Sawirada)

admin

Madaxweyne Farmaajo oo qorshayaal halis ah ka maleegaya Muqdisho (Sir la helay)

Cabdi Cade

Khasaare soo gaaray markab laga leeyahay dalka Britain ka dib gantaal lala helay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---