Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo & Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa khadka Taleefoonka ku wadahadlay sida lagu sheegay qoraal uu bartiisa Twitterka soo dhigay Abiy Axmed.
Labada hogaamiye ayaa isdhaafsaday xogo muhiim ah oo la xiriira gobolka Geeska afrika iyo xaaladaha taagan, iyadoo arrintan ay ku soo beegantay xili maalmo ka hor DF ay shaacisay iney dhexdhexaad ka tahay khilaafka dalalka Masar iyo Itoobiya ee salka ku haya qeybsiga biyaha webiga Nile.
Abiy Axmed ayaa sheegay inuu Madaxweyne Max’ed C/llaahi Farmaajo iyo isaga ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dowladood iyo iskaashiga sidii ay uga hortegi lahaayeen caabuqa Coronavirus.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in wadahadalka Farmaajo uu qeyb ka ahaa xiriir uu Khadka Taleefoonka kula sameeyey dhamaan madaxda wadamada ku bahoobay Urur gobaleedka IGAD kuwaasoo ay ka mid yihiin Madaxweynayaasha Jabuuti, Kenya, Koonfurta Sudan, Eritreya iyo Sudan.
Abiy Axmed ayaa xusay in madaxda uu la wadaagay qaabka ugu haboon ee lagula dagaalami karo caabuqa Coronavirus, ayna isla garteen in si wadajir ah looga hor tago inya uusan gobolka ku faafin.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com