Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Tirada dadka uu dunida ku asiibayo & kuwa u dhimanaya Coronavirus oo sii kordheysa

Dadka uu soo ritay caabuqa Coronavirus ayaa imika guud ahaan caalamka waxay tiradoodu dhaaftay nus malyuun qof tan iyo intii uu cudurkaasi bilaabmay dabayaaqadii sanadkii hore.
In ka badan 180 dal ayuu cudurkan gaaray isla markana waxaa guud ahaan caalamka ugu geeriyooday ku dhawaad 23 kun oo qof, iyadoo dadkaas 15 kun oo ka mid ah ay ku dhinteen qaarada Yurub.

Dalka Taliyaaniga oo ah dalka sida ba’an uu cudurkan ugu dhuftay ayaa waxaa mar kale 24 saac ee ugu dambeysay sare u kacday tirada dhimashada .

Mareykanka ayaa dhanka tirada uu cudurka soo ritay ka sare maray Shiinaha, Waxay imika mareysaa 82,404 qof tirada uu cudurka soo ritay dalka Mareykanka, inkastoo tirada cudrka ugu dhimatay ay ka hooseysaa tirada Shiinaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo:-Madax goboleedyada oo walaac xooggan qaba & ujeedka ololaha ay ka wadaan Muqdisho !!

admin

NISA oo qabtay Ganacsadihii Al Shabaab hubka uga soo iibin jiray Shiinaha iyo Dalal kale

Cabdi Cade

Dowlada federaalka oo la sheegay in Akoonka Galmudug kala baxday lacag ka badan 5-Milyan Dollar

Cabdi Cade
Taboola Ads ---