Allbanaadir.com
NEWS

Qarax Ismiidaamin ah oo lagu dilay Saraakiil Ciidan oo goordhaw ka dhacay Gaalkacyo

Wararka ka imaanaya Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in goordhaw qarax ismiidaamin ah lagu qaaday goob ay ku sugnaayeen saraakiil ciidan.

Sida aan Wararka ku heleyno qof jirkiisa waxyaabaha qarxa kusoo xiray ayaa isku qarxiyay goob ay ku sugnaayeen taliyaha ciidanka isku dhafka gobolka mudug iyo Saraakiil kale oo katirsan ciidanka isku dhafka ah.

Weerarkan ismiidaaminta ah ayaa ka dhacay  halka lagu magacaabo  jiiro Cabdilaahi Yuusuf oo kutaala Waqooyiga Gaalkacyo, waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dadka ku dhintay qaraxan Ismiidaaminta ah waxaa kamid ah  taliyihii isku dhafka ciidamada gobolka mudug Cabdixukun cabdilaahi Maxamuud Xoreeye iyo Cabdiqani Axmed Geyre oo ka mid ahaa saraakiisha ciidamada isku dhafka oo ay maamusho dawlada federaalka .

Qaraxan ismiidaaminta ah ayaa sidoo kale waxaa khasaaro uu kasoo gaaray dad shacab ah oo ka agdhawaa halka uu qaraxu ka dhacay, waxaana Waqooyiga Gaalkacyo ka taagan xaalad kacsanaan ah.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala Soco Wararkaaga Dambe Insha Allah

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muuse Biixi oo wareegto kasoo saaray soo jeedintii Odayaasha Dhaqanka Somaliland

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay qarax Khasaaro geestay oo saakay ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade

Benjamin Netanyahu oo ka shifay Sir ku aadan Wadahadalo Hoose oo ay la leeyihiin dalal …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---