Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Baarlamaanka Galmudug oo aqbalay codsi mar kale uga yimid Madaxweyne Qoor Qoor

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa mar kale Baarlamaanka Galmudug ka codsaday in ay siiyaan waqti dheeraad ah uu kusoo magacaabo golihiisa Wasiirada.

Kulan maanta magaalada Dhuusomareeb ku yeesheen Baarkamaanka Galmudug ayey kaga doodeen codsiga uga yimid Madaxweynaha Galmudug oo ku guul dareestay waqtigii loogu tala galay in uu kusoo magacaabo golaha Wasiirada maamulkiisa.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid oo manta hortagay Baarlamaanka Galmudug ayaa u gudbiyay Baarlamaanka codsiga Madaxweynaha ee ku aadan in mudo dheeraad ah ugu daraan waqtiga xukuumada kusoo dhisayo.

Baarlamaanka Galmudug ayaa dood dheer ay arintan ka yeesheen kadib waxa ay aqbaleen codsiga Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor, waxa ayna Baarlamaanka siiyeen mudo kale oo kusoo dhiso Xukuumadiisa.

Madaxweynaha Galmudug ayaan wali loo caleemo saarin xilka loo doortay, waxa uuna Madaxweynaha ku guul dareestay in waqtigii loogu tala galay kusoo dhiso golihiisa Wasiirada, waxa uuna markii labaad codsaday in  waqti dheeraad ah la siiyo.

 Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Mid ka mid ah dowladaha caalamka oo dalkeeda ka mamnuucday Qaxootiga dalal ay Somalia ku jirto

Caydiid Ali

Masuuliyiin katirsanaa dowladda Kenya oo lagu riday xukun adag oo xabsi ah

Cabdi Cade

Dagaal Muqdisho ku dhax maray Ciidanka Nabad Sugida iyo Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---