Allbanaadir.com
NEWS

Qarax saakay ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Waxaa saakay xaafada Unicef ee degmada Waabari ka dhacay qarax gaari loogu soo xiray nin u shaqeeya dowlada, waxaana qaraxaasi ka dhashay dhaawac soo gaaray sargaal katirsan ciidanka Nabad sugida.

Sida aan Wararka ku helnay gaari ayaa lagu xiray qaraxa waxaana markii dambe ogaaday ninka gaariga lahaa oo si deg deg ah qaraxan ugu wergaliyay laamaha amaanka gaar ahaan Ciidanka Nabad sugida iyo booliiska.

Goobta uu yaalay gaariga qaraxa lagu xiray waxaa soo gaaray saraakiil katirsan Ciidanka Nabad sugida, waxaana mar qura si lama filaan ah u qarxay gaariga , waxaana qaraxaasi uu dhaawac kasoo gaaray Taliye ku xigeenka Ciidanka NISA ee Degmada Waaberi.

Ciidamada amaanka ayaa qaraxa kadib bilaabay baaritaano ku aadan cida qaraxa gaariga ku xirtay iyo sida loogu xiray, mana la oga in ciidamada amaanka soo qabteen dadkii qaraxan ka dambeeyay.

Muqdisho waxaa mararka qaar ka dhaca qaraxyada gaadiidka loogu soo xiro dadka wata, waxaana inta badan qaraxyadan dhimasho ama dhaawac culus uu kasoo gaaraa shaqsiga wada gaariga qaraxa lagu xiro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Siyaasiyiin Lacago iyo Hadiyado qaali ah ka helay Qatar oo la xiray laguna soo oogay Dacwad

Cabdi Cade

Dilal kala duwan oo galabta ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Bangiga Adduunka oo ansixiyay Lacag ku dhaw 100-Milyan oo Dollar oo lagu kabayo Miisaaniyadda DF

Cabdi Cade
Taboola Ads ---