Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dad ka badan hal Bilyan qof oo maanta lagu qasbay in gurhahooda joogaan !!

Dowlada Hindiya ayaa bilowday dadaalo ay ku dooneyso in looga hortago in caabuqa Caronavirus uusan dalkaasi ku faafin, xili ay sii kordhayaan kiisaska la xariira Caronavirus ee dalkaasi laga helayo.

Dowlada ayaa bandoow adag gelisay dhamaan waddanka, waxaana bandowgan sababay in dad ka badan 1 bilyan iyo saddex boqol oo milyan oo qof in ay guryahooda joogaan muddo 21 maalin ah.

Ra’isulwasaaraha India Narendra Modi ayaana shalay ku dhawaaqay go’aankan bandowga lagu galiyay dadka Hindiya, waxa uuna Ra’isul Wasaaraha ugu baaqay shacabka in aysan argagaxin ayna ku sugnaadaan guryahooda.

Bandowga ayaa xalay saqdii dhaxe ka hirgalay guud ahaan dalka Hindiya, waxaana dukaamada iyo suuqyada dalkaasi kahor bandowga laga dareemayay cariiri badan si dadka usii iibsadaan waxyaabaha laga maarmaanka u ah nolosha.

Dalka Hindiya ayaa laga diiwaan galiyay In ka badan 500 oo kiis oo coronovirus ah, waxaana jirta cabsi badan oo laga qabo in dalkaasi kusii faafo maadaama aysan dowlada horey u sameyn dadaalo badan oo looga hortagayo cudurkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dab saakay ka kacay Garoonka Aadan Cadde iyo Howlihii garoonka oo hakad galay

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo qorshe cusub la damacsan Mukhtaar Roobow & Walaac laga muujiyey

Caydiid Ali

Dad loo xiray weerarkii Moscow & Madaxweyne Putin oo si kulul uga hadlay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---