Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Wasiir Difaac oo Geeriyooday xili uu ka qeyb galay Wadahadal Nabadeed

Wasiirkii wasaaradda Difaaca ee wadanka Suudaan Jen Jamaaludiin Cumar ayaa geeriyooday xili magaalada Jubba ee caasimada Koonfurta Sudan u joogay wadahadal nabadeed.

Masuuliyiin katirsan dowlada Sudan ayaa laga soo xigtay in wasiirka wadno xanuun kusoo booday una geeriyooday, waxaana geerida Wasiirka si weyn looga dareemay gudaha dalka Sudan iyo waliba Koonfurta Sudan uu ku sugnaa.

Wasiirka Gaashaandhiga dalka Sudan ayaa magaalada Jubba joogay dhax dhaxaadinta Dowlada Koonfurta Sudan iyo mucaaradka ,waxa uuna Wasiirka kamid ahaa xubnaha ka shaqeenayay wadahadalka nabadeed.

Jen Jamaaludiin Cumar ayaa kamid ahaa golaha KMG ee maamulada dalka Sudan xilkana ka tuuray Madaxweynihii hore ee dalkaasi Cumar Xasan Al Bashiir, waxaana wasiirkan geeriyooay kamid ahaa xubnaha ugu saameynta badan Xukuumada Sudan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xaaska ninkii uu gaariga ku dilay wiilka Madaxweyne Xasan oo si carro iyo dareen leh u hadashay

Cabdi Cade

Xiliga la galayo Imtixaanka Dugsiyada Sare ee dalka oo la shaaciyey (Akhriso)

Caydiid Ali

Soomaaliya oo loogu deeqay 10 milyan oo dollar iyo waxa lagu qabanayo oo la shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---