Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qalabka Baarista & ka hortaga Coronavirus oo caawa Muqdisho la keenay (Sawirro+Video)

Waxaa caawa magaalada Muqdisho soo cagadhigatay dayuurad ay leedahay Ethiopian Airlines oo siday shixnad gargaar ah oo ka kooban qalab loogu talo galay cudurka Coronavirus.

Qalabkan waxaa ku deeqay ganacsadaha caanka ah ee dalka shiinaha u dhashay Jack Ma oo ah Milkiilaha shirkadda Alibaba, Waxaana inuu dalka soo gaaro fududeysay Dawlada Shiinaha.

Waxaa ka mid ah qalabkan sheybaar casri ah oo loogu talo galay in lagu baaro cudurka Coronavirus, lebiska looga gaashaanto cudurka oo dhaqaatiirtu qaataan, maasgaraha wejiga lagu xirto iyo agab kale oo ay aad ugu baahneyd dowlada Somalia.

Agabkan ayaa waxaa danjiraha Shiinaha ka gudoomey Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Oomaar, waxaana goob joog ka ahaa Danjiraha Somalia u fadhiya dalka Itoobiya, Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji (Cameey) iyo xubno kale.

Qalabkan oo aad u fara badnaa ayaa waxaa shalay laga dejiyey magaalada Addis ababa, iyadoo dowlada Itoobiya loo wakiishay iney u qeybiso dalalka Afrika, Waxaana maanta la gaarsiiyey illaa lix dal oo ay ku jirto Soomaaliya.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA IYO VIDEO-GA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxamed Mursal oo cadeeyay Sababta uu uga soo guuray Madaxtooyada (Akhriso)

Cabdi Cade

DFS oo ka hadashay Soomaali badan oo ku dhimatay badda Madagaskar

Cabdi Cade

Maxay tahay halista ka soo fool leh Iran ee ay ka digayaan dalalka Khaliijka & Maraykanka?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---