Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Dib u dhac ku yimid Ciyaarihii Olymbikada Adduunka ee sanadkan

Ra’iisul wasaaraha Japan, Shinzo Abe ayaa ka sheegay in guddiga ciyaaraha Olimbikada uu ka dalbaday in muddo sannad ah dib loo dhigo tartanka ciyaarahan.

Tartankan ayaa lagu waday in sannadkan lagu qabto magaalada Tokyo iyadoo sababta dib loogu dhigay ay tahay si looga hortaggo faafitada cudurka Coronavirus.

Wuxuu Ra’iisul wasaaruhu sheegay in Madaxwynaha guddiga Olimbikada Thomas Bach ay ku heshiiyeen in dib loo dhigo ciyaaraha kaddib markii uu wada hadal dhexmaray.

Ciyaaraha Olimbikada addiinka ayaa la filayay in la qabto 24-ta bisha Luulyo ilaa 9-ka Agoosto sannadkan.

Sidoo kale xiriirka ciyaaraha Yurub ayaa dhowaan shaaciyey in la baajiyey tartankii koobka kubada cagta qaramada Yurub (EURO CUP) oo furmi lahaa bisha Juun ee sanadkan sababo la xiriira cudurka Coronavirus.

Waxaa sidoo kale la joojiyey cudurkan awgiis dhammaan horyaaladii ciyaaraha ee ka socday dalalka qaarada Yurub, iyadoo cudurkan uu ku dhacay ciyaartoy caan ah iyo tababareyaal.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha amaanka ee Q/Midoobay oo ka hor yimid go’aan ay qaadatay dowlada Soomaaliya

Caydiid Ali

Ciidanka NISA oo qabtay Shabakad la sheegay in Al Shabaab katirsan yihiin (Sawirro)

Cabdi Cade

Diyaaradaha iyo Maraakiibta Dagaalka dowladda Shiinaha oo hareereeyay Taiwan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---